Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay shirkii labaad ee golaha wasiirrada xafiiska banneynaya tan iyo markii la doortay 15-kii Siddeedaad ee sanadkan.
Toddobadkii hore ayay ahayd markii hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka kulankii ugu horreeyay uu la qaatay golaha wasiirrada ee xukumaddii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa kulanka maanta ka qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred MatiangÃ, dhigiisa isgaarsiinta Joe Mucheru,Prof. George Magoha (waxbarashada) Peter Munya(Beeraha) James Macharia(Gaadiidka) ,Eugene Wamalwa(Gaashaandhigga) , Mutahi Kagwe (Caafimaadka) ,Najib Balala(Dalxiiska) Simon Chelugui(Shaqaalaha) Amina Maxamad ( Cayaaraha), Farida Karooney(Dhulalka), Keriako Tobiko(Deegaanka), Margaret Kobia(Jinsiyadda) Ukur Yatani(Maaliyadda) ,Monica Juma(Tamarta), Rachel Omamo(Arrimaha dibadda ), Betty Maina(Ganacsiga) iyo madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua.
Golaha wasiirrada ayaa la filayaa in ay tixgeliyaan oo ay meel mariyaan xeer ku saabsan soo saaridda suufka oo uu shalay madaxweyanaha dalka kaga dhawaaqay ismaamulka Homa Bay.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa toddoobadkii hore magacaabay golihiisa wasiirrada cusub oo ka kooban 22.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa la filaya in maalmaha soo socdo ay ansaxiyaan golaha wasiirrada cusub.
President @WilliamsRuto is currently chairing a Cabinet Meeting, State House, Nairobi. pic.twitter.com/icsFRNDq8q
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 3, 2022