DAAWO:NTSA oo sheegtay in gacanta lagu dhigay darawal iyo 2 kirishbooy oo sameeyay dhaqan ka hor imaanaya anshaxa waddooyinka

0
432

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay darawal iyo labadiisa caawiye ama kirishbooy kuwaas oo ay muuqaallada qabteen iyaga oo si halis ah uga laadlaada gaari nooca gaadiidka dadweynaha ee matatuuda oo socoto.
Muqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la dhex arkayay mid ka mid ah kirishbooyada oo si halis ah labadiisa lugood ku fidiyay mataatu kale oo si xawli ku socotay, halka midka kalena mataatuudii uu sarnaa islamarkaana oo socoto uu labadiisa lugood saaray qaybta sare ee baaburka.
Bayaan uu maamulka NTSA soo saaray ayuu ku sheegay in shakhsiyaadkan lagu soo oogi doona dacwad, sida uu qabo sharciyada ku xusan dastuurka wadanka lagu maamulo ee la xiriira anshaxa waddooyinka.
NTSA ayaa ku boorrisay dhammaan darawallada isticmaala waddooyinka in ay feejignaadaan oo aysan aqbalin dhaqamadan noocan oo kale.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa dhanka kale u mahadceliyay dadweynihii dhacdadan laamaaha ammaanka ku soo wargeliyay.