Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qaraxyo xooggan oo lagu weeraray xerada Lamagalaay ee Beledweyne

Qaraxyo xooggan oo lagu weeraray xerada Lamagalaay ee Beledweyne

Ilaa laba gaari oo la sheegay inay qaraxyo ka buuxeen ayaa lagu weeraray Xerada Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku taallo Madaxtooyada labaad ee maamulka Hirshabeelle iyo Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.
Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxyada, iyada oo goobta ay xireen Ciidamada dowladda iyo kuwa Amniga Beledweyne, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada ka dib ay hawada isku shareertay uuro aad u farabadan, isla markaana Goobihii ka agdhawaa Xerada Lamagalaay ay burbureen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labo baabuur oo ah nooca xamuulka qaada in lagu weeraray xerada Lamagalaay oo ah halka ugu badan oo ay degan yihiin mas’uuliyiinta gobolka iyo maamulka Hirshabelle.
Wararka ku soo kordha qodobkan kala socda https://starfm.co.ke/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments