Doorashada xilka madaxtinimo ee Brazil oo afar toddobaad ka dib wareeg labaad la qabanayo

0
524

Guddiga doorashooyinka ee dalka Brazil ayaa ku dhawaaqay in codeyntii madaxtinimo ee shalay wadankaasi ka dhacday lagu kala bixi waayay, iyadoo boqolkiiba 97.3 codadkii la dhiibtay la tiriyay.
Waxaa uu guddiga sheegay in afar toddobaad ka dib la qaban doono wareeg labaad oo doorasho madaxtinimo ah.
Guddiga ayaa intaasi ku daray in Luiz Inacio Lula oo madaxweyne dalkaasi ka soo noqday intii u dhexeysay sanadihi 2003-2010-kii uu boqolkiiba 48.4 ku hoggaaminaya halka madaxweynaha talada haya ee Jair Bolsonaro uu helay 43.7%.
Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa sheegay inay ka adkaadeen shirkadihii ra’yi arruurinta sameeyay.
Sahan ay sameeyeen shirkado kala duwan oo ra’yi uruurin ah ayay ku sheegeen in Lula uu Bolsonaro ugu horreyn doono dhanka codadka.
Darasaadka ayaa lagu xusay in Lula uu haysto taageero shacab oo dhan boqolkiiba 50 halka Bolsonaro ay taageersan yihiin boqolkiiba 36 ee dadweynaha wadankaasi.
Hasa ahaate taasi maysan dhicin, iyadoo bil ka dib la qaban doono wareeg labaad oo doorasho ah.