Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo talefishinka maxalliga ee Citizen wareysi gaar ah ku siiyay ismaamulka Nyeri ayaa sheegay in dhaqaalaha wadanka uunan wanaagsanayn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan deymo kor u dhaafaya 500 oo bilyan oo shilin oo lagu leeyahay dowladda dhexe iyo ismaamullada kuwaasoo ka maqan qandaraaslayaal fidiyay adeegyo kala duwan.
Hoggaamiyaha labaad ee wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in dakhliga laga helo canshuur bixinta lagu qarash geliyo in lagu gudo deymaha iyo musharaadka shaqaalaha.
Mr. Gachagua ayaa iska difaacay dhaliil uga timid hadal uu jeediyay 13-kii bishii hore xilligii caleema-saarka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu maalinkaasi sheegay in dhaqaalaha dalka uu u muuqdo inuunan wax wayn iska beddelin halkii uu talada ku wareejiyay Mwai Kibaki .
Hasa ahaate waxaa uu wareysiga ku xusay in madaxda laga doonayo inay kenyaanka uga run sheegaan xaaladaha dhabta ee jira .