Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 26 qof oo ku dhimatay cagaf-cagaf ku qallibmatay India

26 qof oo ku dhimatay cagaf-cagaf ku qallibmatay India

Waxaa la xaqiijiyay in 26 qof ay ku dhinteen degmada Ghatampur ee magaalada waqooyi ee dalka India ee Kanpur ka dib markii ay gaddoontay oo ay balli ku dhex dhacday cagaf-cagaf dadkan sidday.
Saraakiisha magaladaasi ayaa sheegay in dadkan ay u badnaayeen haween iyo carruur.
Taliyaha booliska ee Kanpur ,Tej Swaroop ayaa laga soo xigtay in tirada 40 qof ay saarnaayeen taraktada.
Dadkan ayaa ka soo laabtay munaasabad ka dhacday macbad ay Hindida leedahay oo aan sidaasi uga fogeyn halka shilka laga soo tabiyay.
Ugu yaraan 10 qof ayaa shilka ku dhaawacmay ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay in kastoo la baaraya.
Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ehelladooda ay ku dhinteen shilka.
India waxaa ku badan shilal waxaana sanadkii hore keliya ugu geeriyooday in ka badan 150,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments