Maalinta Khamiista ee toddobaadkan ayaa lagu wadaa in la aaso meydka qareen Paul Gicheru.
Aaska ayaa ka dhici doono deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaannada booliska ee ku aaddan geeridiisi aanan weli wax natiijo ah laga soo saarin in kastoo qorshaha aaska uu socdo.
1-da duhurnimo ee Talaadada soo socoto ayaa munaasabad baroordiiq ah loogu sameyn doonaa kaniisadda Katholigga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Paul Gicheru oo loo haystay inuu laaluushay qaar ka mid ah marqaatiyaasha dacwaddii maxkamadda ICC ee ka dhan ahayd madaxweynaha dalka William Ruto ayaa 26-kii bishii Sagalaad ee sanadkan meydkiisa laga dhex helay hooygiisa.