Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay burburiyeen maxkamado Shabaab leeyihiin

Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay burburiyeen maxkamado Shabaab leeyihiin

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa howlgalo cir iyo dhul isugu jiray ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada dhexe halkaasoo ay sheegeen inuu ku yaallay Saldhig ay leeyihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Howlgalka oo dhacay shalay galinkii dambe ayaa waxay Milatariga Soomaaliya sheegeen in lagu bur buriyey fariisimihii Al-Shabaab ee deegaanka waxaana ciidanku ooda ka qaaday maxaabiis badan oo u xirnaa shabaabka sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab sidda lagu sheegay war kasoo baxay ciidanka xoogga dalka.
Sarkaal ka tirsan saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa u sheegay warbaahinta in howlaglka oo saacado socday lagu soo afjaray Al-Shabaabkii ku sugnaa degaankaasi oo uu sheegay in ciidanka dowladda ay soo weerari jireen.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay inay burburiyeen Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo ku taalla degaanka Basra ee gobolka Shabeelada dhexe.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay howlgalkaan ay sheegeen Ciidanka xoogga dalka inay qaadeen deegaanka Basra ayna ku burburiyeen Saldhig iyo Maxkamad ay shabaabku lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments