Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 100 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Indonesia

In ka badan 100 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Indonesia

Ciidamada ammaanka ee dalka Indonesia ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 129 qof ay dhinteen halka dhowr kale ay dhaawacmeen.
Tani ayaa timid ka dib qalalaase isbuurasho isku beddelay oo dhacay xilli cayaareed.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay bariga gobolka Java.
Booliska Indonesia ayaa bayaan ku sheegay in taageerayaasha kooxda Arema FC ay gudaha u soo galeen garoon ku yaalla magaalada bari ee Malang ka dib markii Persebaya Surabaya ay xalay kooxdooda uga badisay 3-2.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in booliska ay halkaasi ku tureen sunta dadka ka ilmeysiisa.
Rabshadda ayaa waxaa lagu dilay labo sarkaal oo boolis ah .
Isbuurashada ayaa ka dhalatay in boqolaal taageerayaal ah ay isku dayeen inay albaabka ka baxaan si aynan sunta la adeegsaday u saameyn.
Madaxa booliska bariga gobolka Java Nico Afinta ayaa sheegay in 34 qof ay isla goobta ku dhinteen inta kalena isbitaalka halka dhaawaca uu yahay 180 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments