Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Ukraine oo la kulmay madaxda militariga

Madaxweynaha Ukraine oo la kulmay madaxda militariga

Madaxweynaha wadanka Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu kulan la qaatay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka wada hadleen qorshayaasha xoreynta dhulka uu haysto Ruushka.
Qoraal uu soo dhigay barta Telegram ayuu hoggaamiyaha Ukraine ku sheegay in shirka sidoo kale looga hadlay in hub dheeraad ah la gaarsiiyo saraakiisha gaashaandhigga.
Dhanka kale weerar gantaal loo adeegsaday oo uu Ruushku ku bartilmaameedsaday kolonyada baabuurta gargaarka ee gobolka Zaporizhia ayaa lagu dilay ugu yaraan 23 qof.
Sarkaal taabacsan Moscow ayaa weerarka ku eedeyay ciidamada xukuumadda Kyiv.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo afhayeen u hadlay Ruushka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov uu sheegay in weerar kasta oo laga gaysto afarta gobol ee ay goosanayaan Ukraine uu la mid yahay mid lala eegtay Ruushka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments