Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 11 ka mid ah ciidamada Burkina Faso oo weerar...

In ka badan 11 ka mid ah ciidamada Burkina Faso oo weerar lagu dilay

Dowladda dalka Burkina Faso ayaa sheegtay in ugu yaraan 11 ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida lagu dilay weerar ka dhacay gobolka waqooyi ee Soum.
Falkaasi ka dib ayaa la waayay 50 qof oo shacab ah.
Weerarka waxaa ku dhaawacmay 28 qof oo 20 ka mid ah ay ciidamo yihiin halka baabuur dhowr ah la burburiyay.
Dagaalyahaano hubeysan ayaa bartilmaameedsaday kolonyo baabuur oo gaaraya 150 oo ay militariga ilaalo ka hayeen.
Bayaanka dowladda Burkina Faso waxaa ku cad in kooxda falkan gaysatay ay xiriir la leedahay ISIS iyo Al-Qaaciida.
Weerarrada ayay kooxdu gobolkaasi ka wadday tan iyo sanadkii 2015.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments