Dhaxalsugaha Sacuudiga oo loo magacaabay ra’iisul wasaare

0
332

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan ayaa loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.
Tani ayaa timid ka dib isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada oo uu amray boqor Salmaan Bin Cabdulcaziiz.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday dikreeto ka soo baxday boqortooyada oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee SPA.
Maxamad Bin Salmaan oo 37 sano jir ah ayaa waxaa uu horay u maamulayay arrimaha dhaqaalaha , difaaca , shidaalka iyo amniga gudaha ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.