Shiinaha iyo India oo doonaya in laga xaajoodo dagaalka Ukraine

0
380

Dowladaha Shiinaha iyo India ayaa soo jeediyay in qaab wada xaajood ah looga gudbo duullaanka militari ee uu Ruushku ka wado gudaha dalka Ukraine.
Baaqan ayay ku soo bandhigeen shirweynaha 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay oo ka qabsoomay Maraykanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu waddamada reer galbeedka ku eedeyay inay wadaan olole fool xun oo ka dhan ah xukuumadda Moscow.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa dhankiisa dowladaha Ruushka iyo Ukraine ugu baaqay inay xiisadda u dhexeysa dejiyaan oo ay ka hor tagaan inay saameyso dalalka uu dhaqaalahoodu soo kobcayo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee India Subrahmanyam Jaishankar ayaa dhankiisa sheegay in mar waliba ay taageerayaan nabadda oo ay door bidayaan in colaadda lagu xalliyo wada hadal iyo dibloomaasiyad.