Madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uu qaadi doono tallaabo sharci ah oo looga falcelinaya dibadbaxyada.
Iiraan ayay mudaaharaadyo ka jireen tan iyo markii ay geeriyooday haweeney u xirnayd ciidamada booliska.
Shalay ayay ahayd maalinkii Sagalaad oo ay wadankaasi dibadbaxyo ka dhacaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgallada amni ee socdo lagu dilay ugu yaraan 41 qof.
Dadweynaha ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin in Mahsa Amini, oo 22 sano jir ahayd ay ku dhex dhimatay xabsi ku yaalla magaalada Tehraan ee caasimadda dalka Iiraan.