Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 15 ka tirsan kooxda...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 15 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Alshabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor.
Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa’iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada.
Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabisay in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada.
Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka.
Dawladdu waxay kale oo ay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda Maraykanka, iyo hawlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments