Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad ka jeediyey kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay uga socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Waxaa uu ka hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan dhaqaale.
Waxaa uu sheegay in fursadda la haysta ay kooban tahay, isagoo tilmaamay in ficilka ay dunidu si wadajir ah ula timaado inuu tusaale u noqonayo sida xal loogu helo.
Mr. Xasan Sheekh ayaa sheegay in guuldarro aysan ahayn mid meesha ku jirta.
Waxaa uu intaasi ku daray in dunidu ay u baahan tahay inay si wadajir ah u shaqeyso ee aysan ahayn in dib loo gurto oo keli-keli loo waajaho dhibaatooyinka, loona khafiifiyo khataraha, lana maalgashado barnaamijyo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, gaar ahaan waddamada ka hooseeya saxaaraha.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay waajaheyso abaar iyo macluul.
Waxaa uu xusay in dowladdiisa ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay la shaqeeyan dowladda si looga hortaggo macluuul laga yaabo inay dhacdo.
Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dowladaha iyo ururrada baha-wadaagta la ah Soomaaliya inay u dheg raariciyaan baaqa dowladda ee ah in gargaar lala soo gaaro.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhistay wasaaaradda bii’ada si ay wax uga qabato xaaladda deegaanka ee sii adkaaneysa oo ay sii xumeeyeen daadadka iyo abaaraha.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in isbeddelka cimilada si dhab ah loo qaato.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dowladdiisu ay la dagaalamayso.
Waxaa uu sheegay in khatarta ka imanaysa ururradaasi ay sii xumeynayso xaaladda cuntada iyo barakaca, islamarkaana ay argagixisadu aysan diin lahayn, aysan qiime u haynin nolosha aadanaha, ayna argagixiyaan dad aan waxba galabsan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay sii waddo wadashaqeynta dhinacyada ay iskaashiga leeyihiin si loola dagaalamo argagixisada, waxaase uu tilmaamay inay Soomaaliya ka go’an tahay inay howsha inteeda culus iyadu qabato.
2/2
“We are now confident that, with enhanced public support, our government will eliminate terrorism from Somalia because the Somali people have finally realized that Al-Shabaab’s repressive actions will not end until we all take action to achieve this.”👇🏾 pic.twitter.com/FDd0pqmKf1— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) September 22, 2022