Shiinaha iyo Ruushka oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka amni

0
283

Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyay inay sii adkeeyeen xiriirka ka dhexeya ee dhanka ammaanka.
Xoghayaha golaha ammaanka ee Ruushka Nikolai Patrushev oo tagay Beijing ayaa arrintan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in sare u qaadidda xiriirka amni ee ka dhexeya xukuumadaha Moscow iyo Beijing ay tahay arrin si shuruud la’aan ah mudnaanta koowaad loogu siinaya siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka.