DHAGEYSO:Madaxweyne Biixi oo si adag ugu jawaabey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

0
285

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii uu Mareykanka ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in uusan taageeri doonin gooni isutaaga Somaliland.
Waxaa uu sheegay in Somaliland tallaabo kasta oo ay qaadeyso ay tahay mid u madax bannaan, islamarkaana dadka Reer Somaliland oo tashaday ay iska xoreeyeen Gumeystihii Ingiriiska 26-kii bishii Lixaad ee sanadkii 1960-kii
Muuse Biixi ayaa intaasi ku daray in Somaliland ay marhore ka baxday midwogii ay kula jirtay Soomaaliya markii ay ku khasaartay, islamarkaana Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dadka Xamar jooga aan wax laga weeydiineyn arrimaha Somaliland.
Waxaa uu xusay in hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu kordhinayo cadaawada Somaliland iyo Soomaaliya