Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay kawada hadleen madaxweyne Xasan Sh iyo xoghayaha difaaca dalka Maraykanka?

Maxay kawada hadleen madaxweyne Xasan Sh iyo xoghayaha difaaca dalka Maraykanka?

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Difaaca dalkaas Mudane Lloyd James Austin.
Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd James Austin ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Difaaca Dowladda Maraykanka Mudane Lloyd James xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashi caalami ah, si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.
Dhankiisa Mudane Lloyd James ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood, taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee arrimaha bini’aadannimada, tababaridda Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments