Kuuriyada Waqooyi oo ansaxisay xeer ku saabsan nukliyeerka

0
263

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa meel marisay xeer u oggolaanaya inay sameyso duqeyn loo adeegsanaya hubka nukliyeerka oo lagu tilmaamay mid ka hor tag ah.
Sidoo kale waxaa uu xeerkan u aqoonsanaya in xukuumadda Pyongyang ay tahay dowlad ku hubeysan nukliyeer taasoo aan isbeddel lagu sameyn karin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga qabo in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay dhawaan dib u billowdo tijaabinta hubkeeda nukliyeerka.
Xeerka cusub ee la ansaxiyay ayaa sidoo kale mamnuucaya in hubka nukliyeerka iyo tiknolojiyadda la xiriirta lala wadaago dalalka kale sida ay ku warramayso warbaahinta maxalliga ee KCNA.