Israa’iil oo qiratay in suxufiyadii Aljazeera ay u badan tahay inuu toogtay askari ka tirsan ciidankooda

0
339

Dowladda Isra’iil ayaa markii ugu horreysay qirtay in ay u badan tahay in suxufiyaddii warbaahinta Aljazeera Shireen Abu Akleh ee lagu dilay daanta galbeed uu toogtay askari Israa’iili ah oo u maleeyay inay tahay qof mintid ah.
“Waxaa jirta suurtogalnimo ah in Mrs. Abu Akleh ay si lama filaan ah xabad ugu dhufteen ciidanka difaaca Israa’iil sababo ah in lagu qalday inay ka mid ahayd dabley Falastiiniyiin ah,” ayaa lagu yiri warbixintii ugu dambeysay ee ciidanka ka soo saareen dhimashadeedii 11-kii bishii Shanaad ee sanadkan.
Qirashadan ayaa timid ka dib bilo ay ciidamadu ku adkaysanayeen in aan la ogaan karin halka ay ka timid xabaddii lagu dilay  haweeneydan.
Wariyaha ayaa la toogtay xilli ay tabinaysay howlgallo militari oo ay Israa’iil ka waday gudaha Falastiin waxaana lagu tilmaami jiray inay ahayd codka Falastiiniyiinta maadaama ay inta badan ka warrami jirtay dhibaatooyinka haysta.