Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Muqdisho

0
339

Dagaal ayaa xalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan halka lagu magacaabo Cali Agoon oo farriisin u ah Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ka dib markii la weeraray.
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen farriisiinka ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Cali Agoon ee degmada Hiliwaa, waxaana ku dhimatay Haweeneey Caano iibineysay oo markii hore uu soo gaaray dhaawac culus halka ay ku dhaawacmeen Haweeney kale oo Caano iibineysay iyo Cunug yar.
Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamadu ay saaka howlgallo ka wadaan xaafadaha u dhow Saldhigooda la weeraray.
Inta badan habeennada qaar ayaa la weeraraa farriisimaha ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmooyinka, Hiliwaa, Yaaqshiid iyo Deyniile, waxaana weeraradaas mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.