Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax El-sisi ayaa safar ku tagay dalka Suudaan si uu mas’uuliyiinta wadankaas ula yeesho wada-hadallo ku saabsan biyo xireenka Nile.
Labada dal ayaa mar kale dib ugu laabanaya miiska wada xaajoodka si ay heshiis uga gaaraan muran in muddo ah u dhexeyay oo dhanka biyaha ah.
Hoggaamiyaha Masar ayaa magaalada Khartoum kula kulmay taliyaha guud ee golaha madax banaanida Suudaan Cabdel Fataax al-Burhan.
Waxaa uu sidoo kale la shiray ra’iisul wasaaraha dalkaas Cabdalla Hamdok.