DHAGEYSO:Howlgal xoolaha ka dhan ah oo Muqdisho laga fuliyay

0
389

Saraakiisha ilaalinta deegaanka iyo waaxda bilic soo celinta maamulka gobolka Banaadir ayaa wada jir u billaabay howlgal ballaaran oo gudaha magaalada Muqdisho looga aruurinayo xoolaha baadida ah ee magaaladaasi ku dhex nool, maadaama go’aankaasi uu soo saaray maamulka gobolka Banaadir.
Howlgalkan oo magaalada Muqdisho ka billowday galinkii dambe ee shalay, siina soconaya ayaa waxaa lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo neef oo lo’, waxaana la isugu geeyay barxadda biyaaso Liibaro ee dowladda hoose ee Xamar.
Taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada Xamar Maxamuud Caraaye Macow ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkan.

Agaasimaha bilic soo celinta iyo nadaafadda gobolka Banaadir Sharmaake Cadow Tuuryare ayaa sheegay in howlgalkan uu sii socon doona islamarkaana gacan bir ah lagu qaban doono xoolaha magaalada dhex daadsan ee bilicda magaalada lidiga ku ah sidoo kalena dhibaatooyinka kala duwan ku haya dadka ganacsatada ah.
Waxaa uu sheegay in amarkan uu yahay mid ka soo baxay maamulka sare ee gobolka Banaadir fulintiisana ay tahay mid sida loogu tala galay ku socota.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay wuxuu go’aamo uga soo saaray xoolaha magaalada dhex jooga, waxaan qofka leh neefka Geela ah ee la qabto lagu ganaaxayaa 25 doolar, halka lo’da lagu ganaaxayo 20 doolar.
Dadka goobahooda ganacsiga aysan nadaafadda lahayn ayaa waxaa lagu soo rogi doona ganaax sida uu maamulka gobolka Banaadir amray.