Qareenada matalaya dhinacyada dacwadaha gudbiyay oo looga digay inay arrinkan kaga hadlaan meel ka baxsan maxkamadda

0
531

Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa uga digtay qareennada qaybta ka ah dhageysiga dacwadda natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo in arrinkan ay uga hadlaan meel ka baxsan maxkamadda sare ee Supreme Court.
Mrs. Koome ayaa sheegtay in qareenkii lagu helo in arrinkan ku lug yeesho ay ka dhigan tahay inay jabiyay qodobbada sharciga, sida uu dhigayo qodobka 28-aad ee sharciga maxkamadda sare.
Madaxa cadaaladda ee Kenya ayaa hadalkan sheegtay xilli maanta ay billaabatay dhageysiga dacwadda madaxtinimo ee looga soo horjeedo natiijadii uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati..
Waxaa ay sidoo kale dhinacyada ka qayb qaadanaya doodda ugu baaqday a in ay ilaaliyaan anshaxa.
Koome ayaa xustay , in isticmaalka ereyada aflagaadada ah ay mamnuuc ka tahay gudaha maxkamadda sare ee Supreme Court.
Maxkamadda sare ee Supreme Court ayaa maanta billowday dhageysiga 9 dacwadood ee looga soo horjeedo natiijadii xilka madaxtnimo oo uu 15-kii bishan ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati.
Dhammaan codsiyada waxaa go’aamin doona 7-da garsoore ee maxkamadda sare, oo ay hoggaamineyso madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome.
Garsoorayaasha kale ayaa kala ah ku xigeenka madaxa cadaaladda Philomena Mwilu, madaxweyne ku xigeenka maxkamadda sare Njoki Ndung’u, Maxamad Ibraahim, Dr.Smokin Wanjala, Isaac Lenaola iyo William Ouko.