Tirada dhimashada ka dhalatay daadadka ku dhuftay dalka Pakistan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, iyadoo dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Qatar iyo Iiraan ay ballanqaadeen taageero degdeg ah oo biniaadanimo.
Daadadka ayaa lagu tilmaamay musiibo dabiici oo ku habsatay wadankaasi.
Maamulka qaranka ee maareynta musiibooyinka Pakistan ayaa maanta sheegay, in tirada dadka ku dhintay daadadka ay gaartay ilaa 1,033, iyadoo 119 qof ay geeriyoodeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Waxaa ay waaxda ka digtay fatahaad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacaya meelaha qaar ee ku teedsan wabiyada wadankaasi.