Midowga Yurub oo cambareeyay duqeyn uu Ruushka ka gaystay xarun tareen oo ku taalla Ukraine

0
299

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay duqeymo uu Ruushka ka gaystay xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine.
Waxaa ay Midowga Yurub uga digeen kuwa mas’uulka ka ah weerarakan in lala xisaabtami doono.
Tirada dhimashada gantaalada Ruushka ee uu gaystay xarunta tareen ee lagu magacaabo Chaplyne ayaa kor u dhaaftay 25, iyadoo meydad hor leh laga soo saaray burburka goobta duqeynta laga gaystay.