Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia oo lagu xukumay xabsi 12 sano ah

0
228

Maxkamadda sare ee dalka Malaysia ayaa taageertay go’aan ay maxkamad horraan u soo saartay ee ahaa in ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Najiib Razak lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambi la xiriira falal musuqmaasuq oo maaliyadeed.
Maxkamad hoose ee Malaysia ayaa bishii 7-aad ee sanadkii 2020-kii, Najib ku heshay dambi ah ku takrifal awoodeed, lacag la dhaqay iyo jebinta sanduuqa maaliyadda ee maalgashiga dalkaasi.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in 4.5 bilyan oo dooalr laga xaday sanduuqa maaliyadda maalgashiga ee dalkaasi sanadkii 2009-kii, xilligaasi uu Najiib ra’iisul wasaare ka ahaa wadankaasi.
Madaxa cadaaaladda ee dalka Malaysia Maimun Tuan Mat ayaa sheegtay in xukunkan ay u arkaan mid badbaado u leh wadankaasi.
Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku warrameysa in mas’uulkan hore sidoo kale lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 45 milyan oo doolar.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia ayaa dammaanad ku joogay banaanka tan iyo 2018-kii.
Xukunka maanta lagu riday mas’uulkan ayaa sidoo kale meesha ka saaray cabsidii laga qabay in xisbiga uu ka tirsan yahay ee (UMNO), uu farageliyo hannaanka garsoorka.
Maxkamadda racfaanka ee wadankaasi ayaa bishii 12-aad ee sanadkii hore uu diiday mas’uulkan inuu racfaan qaato, taasoo ku kaliftay inuu aado maxkamadda sare si ay go’aanka ugu dambeeya u gaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here