9 dacwadood oo maxkamadda sare ee Supreme Court loo gudbiyay

0
437

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa loo gudbiyay sagaal dacwadood oo 8 ka mid ah looga soo horjeeda natiijadii ka soo baxday doorashadii xilka madaxtinimo ee uu guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Wafula Chebukati ku dhawaaqay in William Ruto loolankii madaxtinimo uu ku guuleystay.
Guusha Ruto ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo shalay maxkamadda sare u gudbiyay dacwad uu arrinkan uga soo horjeedo.
Sidoo kale siddeed qof oo kale oo dacwad u gudbiyay maxkamadda ayaa doonayaan in meesha laga saaro doorashadii guud xilka madaxtinimo ee 9-kii bishan wadanka ka qabsoontay.
Waxaa ay ku doodeen in codeynta aysan si sharci ah ku dhicin islamarkaana ay doonayaan in doorasho ku celis oo xilka madaxtnimo ah la qabto.
Marka laga soo tago Mr.Odinga, dadka kale ee dacwadda gudbiyay waxaa ka mid ah John Njoroge Kamau, Daniel Kariuki Ngari, Juliah Nyokabi, Khalef Khalifa, Okiya Omtatah iyo Reuben Kigame.
Reuben Kigame, oo ahaa fannaan hore iyo siyaasi ayaa sidoo kale ku jiray tartanka xilka madaxtinimo ka hor inta aysan guddiga IEBC ka hor istaagin inuu loolanka ka qaybgalo.
Dhanka kale xildhibaankii hore deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha xisbiga Chama Cha Kazi, Moses Kuria ayaa sidoo kale u gudbiyay maxkamadda sare dacwad uu ku doonayaan in ay baabi’so dacwadda uu gudbiyay Raila Odinga.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaarihii ee dalka iyo kooxdiisa isbeheysiga Azimio ay rabshado ka dhex kiciyeen xarunta Bomas ee magaalada Nairobi oo natiijada xilka madaxtinimo looga dhawaaqay.