Wasiirkii hore ee cayaaraha oo loo soo wareejiyay xarunta dhexe ee DCI-da ee Nairobi

0
866

Wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha ee dalka Rashiid Echesa oo shalay laga qabtay deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega ayaa la soo wareejiyay xarunta dhexe ee waaxda dambi barista dalka ee DCI-da ee magaalada Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii Mr. Echesa uu muuqaal ka soo dhex muuqday isagoo dharbaaxaya mid ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC laba cisho ka hor.
Waxaa u xalay ku hoyday saldhigga booliska ee Kakamega ka hor inta aysan saaka koox saraakiil ah u soo wareejin xarunta dhexe ee DCI-da ee magaaladatan Nairobi.
Mr Echesa oo xulafo la ah ku xigeenka madaxweyne dalka ee William Ruto ayaa la xiray markii uu shalay isu soo dhiibay saraakiisha booliska ee magaalada Mumias ka dib markii lagu dhawaaqay inuu yahay nin hubaysan oo halis ah.
Taliyaha booliska gobolka galbeedka dalka Peris Kimani ayaa xaqiijisay in Mr Echesa loo wareejiyay xarunta DCI-da ee magaaladatan Nairobi balse waxay ka gaabsatay inay bixiso faahfaahin dheeri ah.
Waxaa ay intaa ku dartay in baaritaano ay wadaan waaxda DCI-da islamarkaana haatan kiiskiisa ay gacanta ku hayaan saraakiisha dambi baarista dalka.
Dhawaan ayay markii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati uu saraakiisha ammaanka ugu baaqay in ay xabsiga u taxabaan wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa islamarkaana maxkamd la soo taago.
Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay ayaa laga dheehan kari Rashiid Echesa oo careysan oo su’aalo weydiinaya sarkaalka IEBC isagoo ka cabanaya inuu mid ka mid ah wakiillada xisbiyada tartamaya u diiday inuu galo goobta codbixinta ka hor inta uunan dharbaaxin .
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa booliska ka codsaday inay hubiyaan in la maxkamadeeyo dhamaan tuhmanayaasha ka qayb qaatay falalkii rabshadaha ahaa ee doorashooyinka ku celiska ee qaybo ka mid dalka ka dhacay maalinkii Khamiista ee toddobaadkii hore.
Doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega waxaa hareeyay rabshado iyo dhacdooyin laaluush oo la siinayay codbixiyeyaasha.