7 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Nakuru

0
498

Shil xalay ka dhacay deegaanka Njoro ee ismaamulka Nakuru ayaa waxaa ku dhintay lix qof halka ay dhaawacyo culus soo gaareen 7-da kale.
Shilka ayaa dhacay ka dib markii wadihii gaariga uu kantaroolka lumiyay islamarkaana uu ku dhacay bohol.
Dadka ay dhaawacyadu culus soo gaareen ayaa loo qaaday isbitaalka heerka shanaad ee magaalada Nakuru si xaaladoodu loola tacaalo.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nakuru Tito Kilonzi ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay isgoyska beerta balaaran ee dowlad deegaankaasi.
Gaariga shilka galay ayaa ahaa nuuca xamuulka qaada islamarkaana dad ay sarnaayeen.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in meydadka dadka dhintay loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee Jaamacadda Egerton.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga xamuulka ah uu ku socday xawaare aad u hooseeya balse darawalku uu lumiyay kantaroolka ka dib markii uu isku dayay inuu dhaafo gaari kale.
Dadka waxyeelada ay ka soo gaartay shilka ayaa u badnaa beeraley kuwaas oo dusha ka saarnaa gaariga.