Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerar ay ku qaadeen huteel ku yaalla Muqdisho

0
358

Rag hubeysan iyo Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa ku dhex dagaalamaya gudaha huteelka Xayaat ee ku yaalla Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa huteelka lagu qaaday weerar ku billowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo jugtooda si wayn loo maqlay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada iyo dagaalka ka socda gudaha huteelka, in kastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan khasaaraha inta uu la egyahay, maadaama weli ay rasaas toos ka socoto huteelka oo ay ku sugnaayeen dad badan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Interneetka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday huteelka Xayaat, iyagoona tilmaamay inay halkaasi ka dhex-dagaalamayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa ay intaasi ku dareen in markii ay dagaalyahanadoodu gudaha u galeen huteelka, qarax kale oo aad u xooggan lala beegsaday gurmadkii ugu horreeyey ee soo gaaray goobta, waa sida ay hadalka u dhigeen Al-Shabaab.
Xaaladda aaga huteelka Xayaat ayaa aad u kacsan, islamarkaana waxaa goobta ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya, waxaana gurmadyo loo sameeynaya dadka ku waxyeeloobay weerarka.