Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Juliana Cherera ayaa sheegtay in aysan ku jirin ama isticmaalin baraha bulshada.
Mrs. Cherera oo la hadashay idaacadda Capital FM ayaa sheegtay in akoonnada magaceeda loo adeegsaday ay been abuur yihiin.
Shakhsiyaad badan oo magaca haweeneydan u adeegsaday baraha bulshada ayaa hadaallo dayacaado ah ku daabacayay barahaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ay laba garab u kala qaybsameyn.
Labada garab ayaa si wayn isugu khilaafay natiijadii doorashada xilka madaxtinimo ee lagu doortay William Ruto.
Natiijadaasi ayaa waxaa diiday afar sarkaal sare oo IEBC ka tirsan kuwaas oo kala ahaa Juliana Cherera oo ahayd guddoomiye ku xigeenka guddigan, Francis Wanderi, Justus Nyang’aya iyo Irene Masit.
Home Wararka Kenya Guddoomiye ku xigeenka guddiga IEBC oo sheegtay inaysan isticmaalin baraha bulshada