Wasiirkii hore ee cayaaraha oo gacanta lagu dhigay

0
429

Wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha ee dalka Rashiid Echesa ayaa booliska qabteen ka dib markii uu soo shaac baxay dhawaan muuqaal asaga oo dharbaaxaya sarkaal ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Booliska ayaa baadi goobayay Echesa si ay su’aalo ooga weydiiyaan rabshadiihi doorashada ee deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega.
Tani ayaa timid ka dib markii uu ku guula dareystay inuu isku soo dhiibo booliska sidii uu amray taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai.
Ila wareedyada ayaa sheegaya inuu iska dhiibay abaare 3-dii galabnimo ee shalay saldhigga booliska deegaanka Matungu asaga oo uu wehlinayo qareenkiisa
Waxaa loo qaaday saldhigga booliska ee Kakamega iyado aad loo ilaalinayo.
Mr Mutyambai ayaa gelinkii hore ee shalay u qabtay Echesa wakhti kama dambeys ah 1-duhurnimo.
Waxaa u sheegay in hadii uu wakhtigaas isa soo dhiibi waayo loo aqoonsanayo inuu yahay nin hubaysan oo dambiila khatar ah.
Echesa ayaa ka dhuumanayay saraakiisha booliska ka dib markii uu sarkaalka doorasha ku dharbaaxay xarunta codbixinta Bulonga.
Tani ayaa imaneysa iyadao oo wasiirka arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i uu sheegay in dhamaan hoggamiyasha rabshadahaas deegaanada Matungu, Kabuchai Iyo deegaanka hoose ee London ee ismaamulka Nakuru ku lug lahaa sharcigooda hubka la kansali doono.
Waxaa uu sido kale sheegay in dastuurka cutubkiisa 6-aad ay jabin doonaan si loo xaqiijiyo in hoggaamiyaashaas aysan u loolamin xil lagu dooranayo.