Waxaa maanta dib loo furayaa goobaha waxbarashada ee wadanka ka dib fasax gaaban oo ay ku jireen ardayda iyo macallimiinta.
Dugsiyada dalka ayaa la xiray 2-dii bishan, ka dib markii dalka uu doorasho guud galay iyadoo xarumaha waxbrashada loo adeegsaday in codadka laga dhiibto.
9-kii bishan ayay ahayd markii dalka ay ka dhacday doorasho guud.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in iskuullada dib loo xiri doonin ilaa hadii ay dhacdo in doorashada xilka madaxtinimo lagu celiyo.
Geddisocodka waxbarashada ayaa laga yaabaa in ay saameyn soo gaarto hadii maxkamadda sare dalka ee Supreme Court amarto in lagu celiyo doorashada madaxweynaha ka dib markii musharraxa madaxweyne ee isbaheysiga Azimio la Umoja Raila Odinga uu sheegay inuu dacwad gaynaya maxkamadda maadaama uu qaadacay natiijadii doorashada.