Midowga Yurub oo war ka soo saaray diidmada Odinga ee natiijada madaxtinnimo

0
483

Midowga Yurub ayaa soo saaray baaq ah in tabashooyinka uu musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ka qabo doorashadii guud ee dalka ka dhacday lagu xalliyo qaabka habboon.
EU-da waxay madaxda siyaasadeed ee Kenya ku boorrisay inay iska ilaaliyaan inay rabshad adeegsadaan.
Shalay ayay ahayd markii Mr. Odinga uu waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijadii uu 15-kii bishan shaaciyay guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ee ahayd in William Ruto loo doortay xilka madaxweynenimo.
Raila ayaa wacad ku maray inay gudbin doonaan dacwad arrintan ka dhan ah iyagoo adeegsanaya hannaanka caddaaladeed.
Wakiilka sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda Josep Borrell ayaa bayaan ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in nabad galyada lagu dadaalo oo muran kasta oo ku saabsan doorashada qaab sharci ah loo maareeyo.