Markab gargaar u sida Afrika oo ka soo ambabaxay Ukraine

0
140

Waxaa dekadda Pivdennyi ee dalka Ukraine ka soo baxay markab loo yaqaano Brave Commander oo sido gargaar loogu talagaly qaaradda Afrika.
Gargaarkan bani’aadannimo ayaa lagu sheegay midkii ugu horreeyay ee ay Ukraine ugu talagashay Afrika tan iyo duullaankii militari ee uu Ruushku halkaasi ka billaabay 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Arrintan ayaa laga soo xigtay barta tiknolojiyadda ee dabagalka ku sameysa warshadaha soo saaro cunnooyinka kala duwan ee Refinitiv Eikon
Waxaa uu markabku sidaa 23,000 taan oo qamaddi ah iyadoo uu qorshuhu yahay inuu gaaro dekadda dalka Jabuuti.
Wasaaradda kaabayaasha ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in deeqdan la gaarsiin doono shacabka wadanka Itoobiya.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in qaramada midoobay ay ku dadaalayso in la kordhiyo gargaarka cunno ee lagu caawinaya qaybaha bulshada ee nugul.
Dhanka kale dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in shan markab oo dheeraad ah ay ka soo ambabaxeen dekadaha dalka Ukraine ee Chornomorsk iyo Pivdennyi.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee Turkiga ayaa hoosta ka xarriiqday in tani ay timid ka dib heshiis ay qaramada midoobay horseedday oo ku saabsanaa dhoofinta qamaddiga kaasoo la dhex dhigay Ruushka iyo Ukraine.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here