Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya IEBC oo wargeyska dowladda ku soo daabacday in Ruto si sharci ah...

IEBC oo wargeyska dowladda ku soo daabacday in Ruto si sharci ah lagu doortay

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) Wafula Chebukati ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in William Ruto uu yahay madaxweynaha wadanka ee si sharci ah loogu doortay doorashadii guud.
Chebukati ayaa qoraalkiisa raaciyay in Rigathi Gachagua uu yahay madaxweyne ku xigeenka Kenya.
Waxaa uu sheegay in labadan siyaasi ay buuxiyeen shuruudaha qaybta 4-aad ee farqada 138 ee dastuurka dalka.
Waxaa ay qaybtani qeexaysaa in qofka madaxweynaha wadanka noqonaya laga doonayo inuu helay in ka badan boqolkiiba 50 ee codadka laga dhiibtay doorashada guud iyo in ugu yaraan boqolkiiba 25 uu soo hooyo codadka in ka badan kala bar tirada ismaamullada Kenya.
Shalay ayay ahayd markii Chebukati uu shaaciyay in William Ruto uu helay codad gaaraya 7,176,141 oo u dhiganta boqolkiiba 50.49.
Waxaa uu ugu yaraan boqolkiiba 25 oo codad ah uu ka helay 39 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee dalka.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa dhankiisa helay codad dhan 6,942,930 oo u dhiganta boqolkiiba 48.85 oo uga soo dhacay 34 ka mid ah ismaamullada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments