Taalibaan oo sheegtay inay Afghanistan ka saarayaan ciidamada shisheeye

0
342

Hoggaamiyaha kooxda Taalibaan Anas Haqqani ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Aljazeera waxaa uu ku sheegay in maamulkiisa uunan oggolaan doonin in ciidamo shisheeye oo hubeysan ay ku sugnaadaan gudaha dalka Afghanistan.
Waxaa uu ballanqaaday inay dalkaasi ku soo dabbaalayaan xasilooni buuxda ka dib tobaneeyo sano oo ay dagaallo socdeen sidoo kalena halkaasi joogeen ciidamada Maraykanka.
Iyadoo lagu wado in Taalibaan ay u dabbaal degto sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay maamulkooda ayaa waxaa walaac laga muujinaya xaaladda amni ee Afghanistan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii koox taabacsan ISIS ay dishay wadaad sare oo ka tirsana Taalibaan.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Taalibaan ay la wareegtay xukunka Afghanistan.