In ka badan 50 qof oo ku dhimatay daadadka Suudaan

0
360

Warbaahinta dowladda Suudaan ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 52 qof ay halkaasi ku dhinteen ka dib daadad ka dhashay roobab culus oo da’ay.
Waxaa sidoo kale burburay in ka badan 8,000 oo guriyo ah.
Wakaaladda wararka ee SUNA ayaa ku warramaysa inay dhaawacmeen 25 qof oo kale.
Waxaa ay soo xigatay afhayeenka golaha qaran ee Suudaan u qaabilsan difaaca rayidka Cabdel Jalil Abdelraxiim.
Mas’uulkan ayaa xusay in sidoo kale ay waxyeello soo gaartay dukaamo iyo dhulal beereedka.
Saameynta ugu badan ee daadadka ayaa laga dareemaya gobollada waqooyiga iyo koonfurta Kordofan ,River Nile state, iyo koonfurta Darfur.
Roobab culus ayaa inta badan laga billaabo bisha Shanaad ilaa bisha Tobnaad ka da’a dalkaasi Suudaan.
Isniintii ayay ahayd markii xafiiska qaramada midoobay ee isku duwidda arrimaha baniaadanimo ee (OCHA) uu warbixin ku qiyaasay in roobabka iyo daadadka ka dhashay ay gudaha Suudaan ku saameeyeen ilaa 38,000 oo qof tan iyo markii ay roobabku curteen.
OCHA ayaa hoosta ka xarriiqday in sanadkii hore , dhibaatooyinka hadda halkaasi ka taagan ay saameeyeen 314,500 oo ruux.