Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay amarro ku socda shacabka Muqdisho

0
572

Wasaaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka deggan xaruntii wasaaradda ee ku taala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan.
Qoraal kasoo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Maxamad Xaashi Carabeey ayaa waxaa lagu yiri  “Anaga oo ka duuleyno Amarka Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta kaas oo ah ilaalinta hantida qaranka gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaaradda Batroolka ee dhammaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir ayaan waxaan fareynaa dhammaan dadka deggan xarunta Wasaaradda Batroolka ee ku taalla xaafadda Saybiyaano in sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan Sababtoo ah waxaa looga baahan yahay in dadkii guud oo markii hore loo dhisayba loo isticmaalo oo dib loo dhaqan geliyo” ayaa lagu yiri Qoraalka.