DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah codkooda ku dhiibtaan

0
510

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo maanta codkiisa ka dhiibtay deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha wadanka ayaa dadweynaha ku boorriyay inay codeynta si nabad ah uga qayb qaataan.
Mr.Kenyatta ayaa sheegay in rajadiisa iyo midda kenyaan waliba ay tahay in doorashada si nabad ah lagu soo gabagabeeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in goobta codbixinta uunan muddo badan ku sugnayn maadaama nidaamka codeynta sidii loogu tala galay uu u shaqeynayay.
“Codee oo si nabad ah codkaaga ku dhiibo, ma jiraan kuwo ila tartamaya waxay ila tahay maanta inay tahay maalinta codeynta oo aan dhammaanteen ku duceysanayna in kenyaanka ay si wayn ugu soo bixi doonaan doorashada oo ay si nabad ah ku codeyn doonaan, guriyahooda ay dib ugu laaban doonaan innagoo sugeyna natiijada” ayuu yiri madaxweynaha dalka
Dhanka kale hooyada madaxweynaha dalka Ngina Kenyatta ayaa dadweynaha ku boorrisay inay codeynta ka qayb qaataan si ay u soo xushaan madaxda xigta ee wadanka hoggaamin doonto.