Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:IEBC oo xaqiijisay in codeyn aynan ka socon deegaan baarlamaneedka Ceeldaas

DHAGEYSO:IEBC oo xaqiijisay in codeyn aynan ka socon deegaan baarlamaneedka Ceeldaas

IEBC oo xaqiijisay in codeyn aynan ka socon deegaan baarlamaneedka Ceeldaas
Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Julianna Cherera ayaa xaqiijisay in codeyn aynan ka socon deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer.
IEBC ayaa xaqiijisay inuu qorshuhu ahaa in lagu codeeyo ilaa 72 xarumood balse xalay qalalaase dhacay awgeed aynan taasi suurtagelin.
Waxay ay xustay in ciladda aysan dhankooda ahayn, hasa ahaate xaalad amni xalay laga soo tabiyay deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas.
Mrs. Julianna Cherera, ayaa dhanka kale sheegtay in doorashada deegaanka Ceeldaas dib loo dhigay, codbixintuna ay bilaaban doonto marka la xalliyo arrinta halkaasi ka taagan.
Mid ka mid ah shacabka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ayaa dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments