Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Julianna Cherera oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay in ilaa duhurnimada maanta ay codeeyeen 6.5 milyan oo qof oo Kenyaan ah, taas oo u dhiganta boqolkiiba 30 ee codbixiyayaasha diiwangashan.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in 200 oo ka mid ah 46,229 oo ah qalabka elektorooniga ee codeynta ee loo yaqaano KIEMS ay cilad soo wajahday.
Hasa ahaate IEBC ayaa meesha ka saartay inuu fashilmay qalabka KIEMS, madaama sida ay hadalka u dhigtay in qalab elektaroonig ah ay cilad soo wajihi karto.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC Julianna Cherera ayaa intaasi ku dartay in guddiga uu kala shaqeynaya saraakiishooda qaabilsan ICT-da inay xal u helaan caqabadaha soo wajahdo isticmaalka qalabka elektorooniga ee KIEMS ee qaybo ka mid ah wadanka.
Dhanka kale Kenyaanka dalka dibaddiisa ku nool ayaa maanta codadkooda ka dhiibanaya ilaa 12 waddan oo kala ah Burundi, Tanzania, Rwanda, Uganda, Koonfur Afrika, boqortooyada Ingiriiska, Canada, Mareykanka, Suudaanta Koonfureed, Qatar, Isutagga Imaaraadka Carabta ee UAE iyo dalka Jarmalka.
As at noon, 6,567,869 Kenyans had turned up to vote. This equates to 30.65 percent of the 22,120,458 registered voters.#GE2022 #KenyaDecides2022 pic.twitter.com/C49YwoJLn8
— IEBC (@IEBCKenya) August 9, 2022