Golaha amniga ee qaramada midoobay oo ka shiray duqeymihii Qaza

0
253

Golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa yeeshay shir degdeg ah oo ku saabsan duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay saddex cisho ka gaysanayeen marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Xubnaha golaha ayaa arrintaasi walaac ka muujiyay.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa dhankeeda sheegtay in weerarradaasi lagu dilay 44 qof oo 15 ka mid ah ay carruur yihiin halka lagu dhaawacay in ka badan 350 qof oo shacab ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo galinkii dambe ee Axaddii heshiis xabad joojin ah la dhex dhigay Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad ee dalka Falastiin in kastoo uunan ahayn mid adag.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here