Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Sidee xisbiyada musharrixinta ODM iyo UDA uga falceliyeen go'aankii IEBC ay ku...

Sidee xisbiyada musharrixinta ODM iyo UDA uga falceliyeen go’aankii IEBC ay ku hakisay doorashada xilalka barasaabnimo ee Mombasa?

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati oo shir Jaraaid qabtay ayaa sheegay in ilaa amar dambe la hakiyay doorashada xilalka guddoomiyaha ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ka dib markii qaladaad dhanka magacyada iyo sawirrada musharraxiinta ah lagu arkay warqadaha codbixinta
Arrintan ayaa sidoo kale saameynaysa xilka xildhibaananimo ee deegaanka Koonfurta Pokot iyo Kacheliba oo ka tirsan ismaamulka galbeedka Pokot.
Chebukati waxaa uu hoosta ka xariiqay in taariikhda xilalkan loo codeynaya dib laga soo sheegi doono taasoo lagu soo daabacaya wargeyska rasmiga ee dowladda.
Waxaa arrintan ka falceliyay xildhibaanka deegaanka Mvita ahna musharraxa xilka barasaabnimo ee xisbiga ODM ee ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir oo ku andacoonaya in dib u dhigidda codeynta ay tahay mid lagu carqaladeynayo codadka Raila Odinga.
Musharraxa barasaabnimo ee xisbiga UDA ee Mombasa Xasan Cumar ayaa dhankiisa ku doodaya in tani ay tahay qorsho xeeladeysan oo xisbiga UDA looga hor istaagaya inuu halkaasi guul ka soo hooyo.
Hasa ahaate maareeyaha doorashooyinka ee ismaamulka Kilifi Xuseen Gure ayaa beeniyay in warqadaha codeynta ee xilka barasaabnimo ee dowlad deegaankaasi maanta laga helay deegaanka Mvita ee Mombasa in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments