Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Magoha oo ka hadlay dib u furka dugsiyada

Magoha oo ka hadlay dib u furka dugsiyada

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in tallaabada dib loogu furaya dugsiyada wadanka ay ku xiran tahay jawiga siyaasadeed ee wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ardayda ay dib ugu laaban doonaan xarumaha waxbarashada marka xaaladda ay noqoto mid saamaxaysa.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay ismaamulka Kiambu ayuu wasiirku hoosta ka xarriiqay in taariikhda 11-ka bishan oo horay loo shaaciyay inay ardayda ku laabanayaan dugsiyada ay isbeddeli karto iyadoo lagu qiimeynaya xaaladda dalka doorashada berri ka dib.
Hasa ahaate waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada ay si nabad ah u dhici doonto sidaas awgeedna waalidiinta aan looga baahneyn inay walaac muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments