Shiinaha oo xayiraad saaray guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka

0
296

Dowladda Shiinaya ayaa shaacisay inay xayiraad aan caddeyn ku soo rogtay guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi iyo xubnaha ugu dhow ee qoyskeeda.
Tani ayaa timid ka dib markii haweeneydan ay dhawaan safar ku tagtay jasiiradda Taiwan oo isu aragto mid madax bannaan balse weli xukuumadda Beijing ay sheeganayso inay maamusho.
Tallaabadan cusub waxaa laga soo xigtay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha.
Nancy Pelosi, ayaa noqotay mas’uulkii sare ee labaad ee Marayanka oo Taiwan booqday muddo 25 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here