DHAGEYSO:Maxkamadda gobolka Bay oo xukun ku ridday rag loo haysto dilka ganacsade ku noolaa degmada Bardaale

0
540

Maxkamadda gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda 5 eedeysane, kuwaas oo loo haysto dilka Cabdicasiis Aadan Wardheere oo ka mid ahaa ganacsatada degmada Bardaale ee gobolka Bay.
Maxkamadda gobolka Bay ayaa horay u dhageystay saddex jeer dacwadda ragga la xukumay.
Eedeysanayaasha ayaa kala ah Cabdullaahi Cali Nuur Garas, Ayuub Salaad Xasan, Ibraahim Sheekh Saciid, Salaad Xasan Maxamad iyo Sakariye Sheekh Cabdullaahi.
Maxkamadda ayaa markii dambi lagu waayay fasaxda afar eedeysane.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa Cabdullaahi Cali Nuur Garas ku xukuntay dil toogasho ah, sida uu maxkamadda ka hor sheegay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Bay Sheekh Cumar Maxmad Nuur.