Maamulka Jubbaland oo ku kala qaybsamay habka loo dhisay xukuumadda Soomaaliya

0
504

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere, ayaa isagoo ku hadlayay magaca Jubbaland, waxa uu soo dhaweeyay xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee VOA-da, ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.
Jubbaland, waa maamulkii ugu horreeyay ee taageera xukuumadda cusub ee Soomaaliya, xilli maamullada kale qaybtood ay saluug wayn ka muujinayaan habka loo qaybsaday golaha wasiiradda Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa sheegay in dalku uu u baahan yahay xukuumad shaqeynaysa oo ka saarta marxaladda uu ku sugan yahay, isagoo ugu baaqay maamullada kale inay taageeraan xukuumadda la dhisay.
Hadalka Suldaan Lugadheere ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay madaxweyne ku xigeeenka 1-aad ee Jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ka horyimaadeen habka wax qaybsiga golaha wasiirrada, iyagoo sheegay in beeshooda Sade ee Mariixaan lagu sameeyay dulmi xooggan.
Jubbaland ayaa u muuqata inay ku kala qaybsantay xukuumadda Soomaaliya, taas oo laga yaabo inay bannaanka keento khilaaf aan weli dibadda u soo bixin oo ka dhex taagan Axmad Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan.